Waxaa weli khilaaf xooggan uu ka taagan yahay qaabka Canshuurta looga qaadayo degmooyinka Gobolka Hiiraan,khilaafkaas oo taagnaa bilihii la soo dhaafay.
Masuuliyinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa cadeeyey in khilaafka dhanka Canshuur qaadista uu ka dhashay kadib markii laga diiday lacagta Shilinka Soomaaliga ah Baraha Canshuurta lagu qaado taas oo ah caqabada 1aad ee ka taagan gobolka Hiiraan.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Baraha ay ciidamada lacagta ku qaadaan ay diideen lacagta Shilinka Soomaaliga ah taas oo ay cabasho ka keeneen Ganacsatada.
Waxa uu sheegay in Maalmaha soo socda uu tegi doono Xarumaha lagu qaado lacagaha Canshuurta ah si loogu amro in ay lacagta Shilinka Soomaaliga ah ay qaateen,taasina ay kala shireyn Ganacsatada Magallada Baladweyne.
Dhibaatada ka dhalatay diidmada lcagta Shilinka Soomaaliga aya weli ka taagan gobolka Hiiraan,waxana dhaqangelin ammar ay masuuliyinta Maamulka gobolka Hiiraan ku bixiyeen in la qaato lacagta Shilinka Soomaaliga ah balse aanan suurtagelin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Hiiraan.