Warar Idaacadda Dasan ay saaka ka helayso Xaafadda 77 oo ka mid ah Xaafadaha ku yaalla degmada Dayniile ayaa ku waramaya in saaka halkaa uu wali si goos goos ah uga socdo dagaal u dhexeeya ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka bilowday halkaas.
Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey inaysan xalay ladin Jiif fiican oo illaa xalay dhan ay gambad ka ahaayeen rasaasta ay is wiidaarsanayeen ciidmada kawada Tirsan dowladda Soomaaliya.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas ku dhawaad 10-ruux oo isugu jir dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka oo salka ku haya is-qabqabsi dhuleed oo u dhexeeya ciidanka dagaalamaya oo qaab qabiil u abaabulan balse wata hubka iyo dharka ciidanka dowladda,mana jirto wax masuuliyiin dowladeed ah oo tagay goobta dagaalku ka socdo si ay xaaladda u qaboojiyaan
Dhianaca kale dadka ku nool xaafadaha lagu dul dagaalamayo ayaa eedeyn u jeediyey maamulka ka taliya boobahaasi oo ah Maamulka degmada Dayniile,Shacabka ayaa waxa ay sheegeen inay u arkayaan ka aamusnaanta arinta ee Maamulka raalli ahaansho uu ku rabo maamulku in xiisaddu sii socoto sida uu inoo sheegay qofka oo dadka deegaanka ka mid ah……
Muddo bilooyin ah waxaa si teel teel ah u socda dagaal ku saleysan muran ka dhashay dhul ku yaalla xaafadaha Haanta dheer iyo Saban-Saban degmada Dayniile kaasi oo u dhexeeya Ciidamado dowladda ka tirsan oo qaab qabiil u abaabulan.
Xiriirro aan la sameynay Masuuliyiinta Maaamulka degmada Dayniile nooma suura-galin inay arintan nagala hadlaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka qofka mid ah dadka ku nool Goobaha lagu dagaalamayo.