Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu Magacaabay Duqa degmada Balcad,kaas oo mudo dhowr Sano ah aysan laheyn degmadaas.
Wareegtada ayaa waxaa duqa degmada Balcad loogu Magacaabay Cabdullaahi Maxamed Xasan Tiitow oo mar soo noqday gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada degmada Balcad.
Sida Waregtada ku xusan ayaa waxaa la sheegay in Magacaabistaan ay timid kadib markii wadatashi lala sameeyey Xildhibaanada federaalka ee ka  soo jeeda degmada Balcad,iyada oo ay soo dhaweeyeen Bulshada ku nool degmadaas.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.