Siyaasiga Cabdi Samad Macalin Maxamuud marna soo noqday Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo Amniga dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka ee u dhaxeysa Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Siyaasiga oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in waxyaabihii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka aysan aheyn wax horay loo bartay,isla markaana aan waligeed dalka Soomaaliya ka dhicin.
Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn qabtay  balse ay haatan qalalaasaha dhacay ay dadka Soomaaliyeed ku keeneyso niyadjab.
“Runtii wixii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee ahaa Xildhibaano kala qeybsan iyo ciidamo isdaba ordaya ma aheyn weli kuwo dalka ka dhacay waana nasiib xumo taasina waxa ay rajo xumo ku rideysaa shacabka Soomaaliyeed,waxana loo baahan yahay in sideg deg ah xal buuxa looga gaaro ayuu yiri Siyaasiga Cabdi Samad Macalin Maxamuudâ€
Shacabka Soomaaliyeed badi iyo Siyaasiyiinta aya siweyn u hadal haya dhacdadii Xarunta Golaha SShacabka ee shalay,waxana Xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay in ay xalka gaarto xiisada Siyaasadeed ee waqtigaan dalka ka taagan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Cabdi Samad Macalin Maxamed.