Guddoomiyaha Gobalka Garissa ee W/bari Kenya, Cali Qorane waxa uu ka codsaday Saraakiisha  Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR inay joojiyaan Bixinta Qandaraasyadda lagu soo jarayo Dhirta, ay Qaxootiga Soomaalida u adeegsadaan inay cuntada ku karsadaan.
Cali Qorane waxa uu ku eedeeyey Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab inay baab’iyeen Deegaanadda W/bari Kenya, isla markaana ay jareen dhir badan oo ay cuntada ku karsadaan.
Guddoomiyaha Gobalka Garissa ee W/bari Kenya, Cali Qorane oo hadalkaasi ka jeediyey Deegaanka Cabdisamad waxa uu ugu baaqay hay’adda UNHCR inay ka fekeraan Tamar kale oo ay Qaxootiga u adeegsadaan Cunto Karinta.
In ka badan 400-kun oo Qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo badankooda ka qaxay colaadaha iyo macluusha ka jirta qeybo ka mid ah dalkeenna Hooyo.
Waxa uu intaasi ku saray inay Qaxootiga Soomaalida yihiin dad walaalo la ah Kenyanka, balse ay u oggolaan Karin inay Dhirta jaraan, si ay ugu adeegsadaan dhuxul ay wax ku karsadaan.