Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka waxay Shirkoodii 13-aad ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, iyagoo ka wada hadlay Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee dalalka Somalia, South Sudan iyo Koongada Dimuqraadiga.
Kulankaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo haatan loo diyaar garoobayo Shirweyne Xilliyeedka 72-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka furmi doona Xarunta Dhexe eeQM.
War-murtiyeedka Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka (JIF) ayaa lagu sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen Horumarka Siyaasadda ee Somalia, isla markaana ay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan Hawlaha Siyaasadda ee haatan ka socda Somalia.
Guddiga IJF waxay bogaadiyeen Hawlgalka AMISOM, iyagoo dib u xaqiijiyey in Hawlgalladda Milliteri waajib tahay inay yihiin kuwo la saan-qaadi kara  Sharciyadda Xuquuqda Aadanaha iyo Samafalka Caalamiga.
Wxaay kaloo Guddiyadda JIF isku raaceen inay QM iyo Midowga Afrika sii wadaan Tallaabooyinka lagu xaqiijinayo Hawlaha Ammaanka iyo Maalgelinta AMISOM iyo dhismaha Awoodda Ciiddanka Dowladda Fwederalka.
Dhinaca kale, War-murtiyeedka Guddiga Isku-dhafka ee QM iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka (JIF) waxaa lagu xusay inay isku raaceen Shuruudda asaaska u noqonaysa inay Ciiddanka AMISOM ka baxaan gudaha dalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaan ku degdegin in Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia, balse Dowladda Maraykanka ayaa horey u sheegtay inaan lagu degdegin Daad-gureyntaasi ilaa laga dhisayo Awoodda Ciiddanka DFS ay kula wareegi karaan Ammaanka Guud ee Somalia