Saxafiyadaasi ayaa lagu magacaabi jirey Gauri Lankesh, waxay si kulul u mucaaradi jirtey Siyaasiyiinta Garabka Midig ee Hinduuska.
Wakaalladda Wararka u faafiya dalka Hindiya ee PTI aya baahisay in Saxafiyadaasi oo 55-jir ahayd xalay lagu toogtay meel ku dhow gurigeeda oo ku yaalla magaalladda Bangaloor ee caasimadda u ah Gobalka Karnataka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Dabley wadatay mooto ay Saxafiyadda ka toogteen madaxa iyo laabta.
Saraakiisha Boliska ee Bangaloor ayaa sheegay inay baarayaan kooxihii ka dambeeyey dilkaasi.
Siyaasiyiinta ayaa horey uga digay in Xag-jirayaasha Waddaniyiinta Hinduuska ka dambeeyaan weeraradda lagu dilo Suxufiyiinta iyo Aqoonyahanadda ku nool Gobalka Karnataka. ee dalkaasi.
Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn waxay horey u sheegeen inuu Dalka Hinidya yahay dalka loogu dilka badan yahay Suxufiyiinta ku nool Qaaradda Asia