Waxaa sii xoogeysanaya dhibaatooyinka ay ku nool yihiin Dadka danta yar ee soo maciin biday nolosha duleedka Muqdisho ee ka soo cararay abaarta oo saameysay noloshoodii hore.
Waxa aan tagay kaam Far-Libaax  ay ku jiraan qoysas ku dhaw 600 oo ku yaala deegaanka tareedisho ee duleedka muqdisho.
Xiliga aan gaaray kaamka waxa ay ahaayeen danyarta abaarta ka soo cararay kuwa heegan u ah qaadashada gurmad aan badneen oo ay u keeneen dad shacabka ah.
Nadiifo waa hooyo dadka aan u tagay bulshada wax u weydiisa waana hagaajisada nidaamka dadkan ay u qaataan gurmadka waxa ay Radio Dalsan u sheegtay in baahida ugu weyn ay qabaan dadkan ay tahay hoy iyo musqulo yari dadka ku dhaw 600 ee qoysna ay isticmaalaan kaliya 4 musqul
Waxa aan la sheekeestay inta aan joogay kaamka qaar ka mid ah dadka waxa ayna ay ii sheegeen in nolosha ay ku jiraan oo ah mid liidata marka noloshoodii hore loo eego ay tahay mid aad u wanaagsan dhamaan dadka aan la hadlay ayaa ii sheegay in dhibka ugu weyn ay qabaan ay tahay baahida musqulo iyo gogol ay ku jiiftaan
Dadka shacabka uma kala harin gurmadka loo sameynayo dadka ay saameysay abaarta ee maalin walba soo gaarayo duleedyada Muqdisho, hadane dadkaasi waxaa ay u baahanyihiin in loo fidiyo gurmada intaasi ka badan.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.