Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan Gobalka Sh/dhexe ayaa ugu baaqay Beelaha Walaalaha ee ku dagaalamayo Degmadda Cadale inay joojiyaan colaadda.
Nabadoon Cosobow oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin iska horimaadkaasi oo u dhexeya 2 Beelood oo wada deggan Cadale.
“Iska horimaadkii shalay waxaa ku geeriyootay 5 qof oo ka soo kala jeeda dhinacyadii dagaalantay†ayuu yiri Nabadoonka oo sheegay inay tahay damiir-xumo inay dad walaalo ah is-laayaan.
Waxa kale oo uu tilmaamay inuu Khilaafka labada dhinac ahaa mid dhowr jeer soo noqnoqday, wuxuuna xusay in 3 qof horey loogu dilay Shaqaaqadaasi ku dhisan Aano Qabiil.
Dhinaca kale, Maamulka Degmadda Cadale ayaa ugu baaqay Dowlad-gobaleedka HirShabelle iyo DFS inay faragelin ku soo sameeyaan dagaal-beeleedka ka socda Degmadda Cadale.
Xaalladda ayaa weli kacsan, inkastoo ay socdaan dadaal ay Odayaasha iyo Waxgaradka ku doonayaan in xal nabadeed lagu dhameeyo dagaalkaasi.
©Radio Dalsan