War-Saxaafadeed ay siwadjir ah u soo saareen Afarta Xisbi Siyaasadeed ee kala ah Daljir, Kulan, Wadajir iyo Madasha Horusocod kulan ay yeesheen ayaa waxa ay kaga hadleen 6,dii Askari ee lagu dilay weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame 17 Bishii December 2017.
War-Saxaafadeedka 4,ta Xisbi Siyaasadeed oo ay ku midoobeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegeen in ay baadi goobayaan u Xaqsoorida iyo cadaalad u sameynta 6-dii qof ee lagu dilay weerarkii Guriga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur warsame.
Hay’addaha Garsoorka dalka ayay ugu baaqeen in dadkaasi loo cadaalad falo,isla markaana Maxkamad lahorkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas 6,da Askari ee weerarkaas xili habeen ah lagu dilay.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay soo saareen.