Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa 30-sano kadib daaha looga rogay Wakaaladdii dhismaha Soomaaliyeed,iyada oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Soomaaliya.
Munaasabadda Daah furka oo uu soo agaasimay maareeyaha Maareeyaha Guud ee Wakaalada Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) waxaa goob jog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdiweli ibraahim Sheikh Ibraahim Mudeey iyo xubno kale.
Maareeyaha Guud ee Wakaalada Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa tilmaamay in soo noolaynta wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed 30-sano kadib ay muhiim u tahay umadda Soomaaliyeed waxaana uu goobta ka sheegay wax yaabahay hor tebinta leh ee uu qaban doono si howlaheeda ay u qabsato Wakaladdu.