Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay albaabka hore ee xerada tabbabarka Ciidanka Xoogga ee dhaga-badan, taas oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarx ah ayaa isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo safaf dheer ugu jiray qorista Askarnimo, iyagoona ku sugnaa albaabka xerada tabbabarka, jugta ayaana inta badan laga maqlay Muqdisho.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxii dhacay, waxaana si hordhac ah loo xaqiijiyay inay ku dhinteen dad dhow 10 qof oo Askar iyo dad shacab ah isugu jiray, halka dad dhaawacmay loo qaaday qaar kamid ah isbitaalada.
Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa Caawa ka dhacay xerada tabbabarka Ciidanka Xoogga dalka, ee ku taalla degmada Wadaji ee Gobolka Banaadir.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo is-miidaamin ah la beegsaday xerada nac-naca oo lagu tabbabaro Ciidanka Xoogga, sidoo kalena lagu qoro dhallinyarada dooneysa inay ku biiraan Ciidanka dowladda Federaalka.