Muuqaal Video ah oo ay Kooxda Daacish (ISIS) maanta soo bandhigeen ayey ku shaaciyeen inay dagaal la galayaan Sacuudiga.
Arrintan ayaa timid, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga ku dhawaaq1day Isbahaysi ka kooban 34 Dowladood oo loogu talagalay inay la dagaalamaan Kooxaha loogu yereo Argagixisadda.
Daacish waxay ugu baaqeen Askarta Sacuudiga inay yimaadaan Syria si ay ula dagaalamaan.
Muuqaalka Video-ga ee Daacish soo bandhigtay waxaa qeybta ugu dambeys ka muuqda nin la sheegay inuu la shaqeeyo Sacuudiga, kaasi oo madaxa laga tooganayo.
Isbahaysiga Sacuudiga waxaa xubno ka ah Waddamo Islaam ah, kuwaasi oo isku bahaystay inay la-dagaalamaan Argagixisadda.
Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad ayaa u ah Xarunta Dhexe ee Isku-xirka iyo Taageeridda Hawlgalladda Milliteri.
Qaar ka mid ah Dowladaha la sheegay inay qeyb ka yihiin Isbahaysigaasi ayaa ka hor yimid arrintaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Lubnaan waxay sheegeen inaysan ka war-haynin Isbahaysiga Argagixiso-la-dirirka, sida lagu soo daabacay Wargeyska The Lebnon Daily Star.
Dalka Malaysia ayaa sheegay inuu dalkooda ku jiro dagaal la mid ah kan ay Sacuudiga kula dagaalamayaan Daacish,
Wargeyska The Rakyat Post ayaa ka soo xigtay Wasaaradda Difaaca Malaysia inay dhinacooda gooni ula dagaalamayaan Daacish.
© Radio Dalsan  Â