Xuka Qaranka 23-jirada kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa barbaro lagalay xulka Rwanda kulan=ki labaad ee isreebreebnka ciyaaraha Olombikada Aduunka.
Ciyaartan ayaa ka dhacday dalka jabuuti waxaana goolka hormaray dalka Rwanda oo goolkak ka helay Songa Isie qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kalanstay 1-0oo ay hoganka ku hayaan Rwanda.
Xulka Soomaaliya oo taagero balaaran ka helaya dadwaynaha Soomaaliyeed ee kunool dalka jabuuti iyo taageraayaasha dalka Jabuuti oo  mar walba taageer u ah dalkeena Soomaaliya ayaa qaybta labaad is bedel sameeyay .
kadib markii  badal uu sameeyay Macalinka Hogaaminaya Xalka qaranka dalkeena Soomaaliya Chrales Mbazi a]kasoo ciyaarta badal ku soo geliyay Cabaas  Maxamed Amiin ayaa kentay in ay helaan goolka barbaraha kaasoo ahaa gool aad u quruxb badan.
Cabaas Amiin ayaa sidaa ku noqday badbaadiyaha Ciyaarta e Xulka Soomaaaliya balse natiijda ayaa ka dhigan in ay xulka Dalka Rwanda ay u soo gudbeeyn wareega labaad ee isreebreebka.
Wiilasha Difaacaya xulka qaranka kubadda cagta dalka ayaa muujiyay dadaal iyo karti dheeri taasoo rajo gelinaysa bahda jecel ciyaarta kubada cagta in ay guul kasoo hoyn karaan karaan tartamadaCaalamiga ah.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Daawo Sawiradda: