Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadal uu jeediyay dhaliyay dood iyo muran, kadib markii uu sheegay in laba sano ka hor dad badan aysan awoodin inay daawadaan dood siyaasadeed sababo la xiriira dabayl la’aan. Trump ayaa sheegay in ku tiirsanaanta tamarta dabaysha ay sababtay in telefishinnada aysan shaqeyn xilli uu socday dood dhexmartay isaga iyo madaxweynihii hore Joe Biden. Si kastaba, warbaahinta iyo khubarada xaqiijinta xogaha ayaa sheegay in dhacdadaas aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya inay dhacday.
Hadallada Trump ayaa ku soo beegmaya xilli uu si joogto ah u sameynayo sheegashooyin ay dad badani beeniyaan. Tusaale ahaan, waxa uu sii wadaa ku doodista in doorashooyinka California ay yihiin kuwo khiyaano ah, inkastoo madaxda doorashooyinka gobolka ay caddeeyeen in tirinta codadku ay si sharci ah u socoto oo ay tahay mid waqti dheer qaadato sababtoo ah dad badan oo codbixiyaan ah ayaa u codeeya boostada . Khubaradu waxay sheegaan in California ay kaa qaadato waqti dheer si ay u tiri codadka, taasina maaha caddayn khiyaano.
Intaa waxaa dheer, Trump waxa uu marar badan sheegay in qorshayaasha loo diro codadka boostada ay yihiin kuwo khiyaano ah, balse saraakiisha gobolka ayaa sheegay in nidaamku yahay mid hufan oo ammaan ah. Waxa kale oo uu sheegay in California ay la kulanto koronto go’ joogto ah, balse mas’uuliyiinta gobolka ayaa beeniyay arrintaas.
Hadallada Trump ayaa sii xoojiyay doodaha ku saabsan saxnaanta xogaha ay siyaasiyiintu adeegsadaan, xilli Mareykanku isku diyaarinayo marxalado siyaasadeed oo cusub. Khubarada siyaasadda ayaa sheegaya in sheegashooyinkan aan caddeyn lahayn ay hoos u dhigi karaan kalsoonida dadweynaha ee nidaamyada dimuqraadiga ah, gaar ahaan marka ay ka soo jeedaan madaxda sare ee dalka.
