HomeWararMareykanku ma taageeri doonaa Qorshaha Isbeddelka Somalia ? Beenebeene oo Rome kula...

Mareykanku ma taageeri doonaa Qorshaha Isbeddelka Somalia ? Beenebeene oo Rome kula hadlay!

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Soomaaliya iyo Mareykanka oo iska kaashanaya bani’aadannimada Rome, 25 Juun 2026 – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta magaalada Rome kulan heer sare ah kula yeeshay Safiirka iyo Ergeyga Joogtada ah ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Marwo Lynda C. Blanchard, kaas oo […]

- Advertisement -

Soomaaliya iyo Mareykanka oo iska kaashanaya bani’aadannimada

Rome, 25 Juun 2026 – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta magaalada Rome kulan heer sare ah kula yeeshay Safiirka iyo Ergeyga Joogtada ah ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Marwo Lynda C. Blanchard, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, saameynta isbeddelka cimilada, iyo sidii loo sii wadi lahaa taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo sugnaanta cunnada iyo adkeysiga bulshada.

Kulankan ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, iyadoo dalku uu wajahayo abaaraha soo noqnoqda, fatahaado, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee ku yeeshay wax-soo-saarka cuntada iyo nolosha dadka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay taageerada caalamiga ah si ay uga gudubto caqabadahan, iyadoo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay qaab-dhismeedka lagu horumarinayo kobaca dhaqaalaha iyo adkeysiga bulshada.

- Advertisement -

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene. “Waxaa muhiim ah in la sii xoojiyo maalgelinta dadaallada lagu hirgelinayo mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.”

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso hay’adaha caalamiga ah si loo xoojiyo sugnaanta cuntada, loona sameeyo qorshayaal waara oo lagula qabsanayo isbeddelka cimilada. Waxa uu sheegay in dowladda ay horumar ka sameysay dhinacyada siyaasadda cuntada iyo maareynta khayraadka.

Dhankeeda, Safiir Lynda C. Blanchard ayaa xaqiijisay sida ay Dowladda Mareykanku uga go’an tahay inay sii waddo taageerada shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay bogaadisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo sugnaanta cunnada, la-qabsiga isbeddelka cimilada, iyo hirgelinta ajendaha horumarinta qaranka.

- Advertisement -

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo kordhin lahaa maalgelinta barnaamijyada waxbarashada, caafimaadka, iyo biyaha, kuwaas oo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadahadalka heer sare, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la saxeexo heshiisyo horudhac ah oo ku aaddan mashaariic cusub.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories