HomeWararHay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulankii Ugu Horreeyay ee Kooxda Farsamada ee...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulankii Ugu Horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara

Date:

Related stories

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulankii Ugu Horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara Nayroobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta qabatay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group – […]

- Advertisement -

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulankii Ugu Horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara

Nayroobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta qabatay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group – TWG), kaas oo ay ka qaybgalayaan shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka (ISPs), iyo khubaro farsamo, si loo xoojiyo adkeysiga iyo horumarinta waarta ee kaabayaasha Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan, oo soconaya laba maalmood, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adda iyo daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta & teknoolojiyadda, kobcinta fahamka wadajirka ah ee caqabadaha horyaalla qaybta Xargaha Badda Hoosteeda Mara, iyo soo jeedinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga iyo isku halaynta kaabayaasha internet-ka xawaaraha sare leh ee dalka.

- Advertisement -

Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigu waxaa diiradda lagu saarayaa maaraynta ciladaha xargaha ku yimaada, tartanka suuqa, horumarinta kaabayaasha, iyo hirgelinta qaab-dhismeedka sharciyeynta xeerarka lagu nidaaminayo Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee dalkeenna.

Aqoon-isweydaarsiga waxa sidoo kale lagu falanqeynayaa natiijooyinka warbixin dhowaan la diyaariyey oo ku saabsan suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, taas oo fursad u siinaysa daneeyayaasha inay xaqiijiyaan xogaha muhiimka ah isla markaana ay ka doodaan mudnaanta horumarinta mustaqbalka ee qeybta isgaarsiinta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka aqoon-isweydaarsiga, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo kordhiyo adkeysiga kaabayaasha dhijitaalka ah .

- Advertisement -

“Xargaha badda hoosteeda mara waa laf-dhabarta isku-xirka dhijitaalka ah ee dalkeenna, waxayna door muhiim ah ka qaataan kobaca dhaqaalaha, dhiirrigelinta hal-abuurka, iyo fududeynta helitaanka adeegyada aas-aasiga ah. Kooxdan Farsamo waxay xoojinaysaa iskaashiga u dhexeeya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda si loo dhiso kaabayaasha isgaarsiinta oo adkeysi leh laguna kalsoonaan karo.”

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories