HomeWararWarbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalkeena...

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalkeena (No. 1 Global risers – (2007 to 2024)

Date:

Related stories

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalkeena (No. 1 Global risers - (2007 to 2024)

- Advertisement -

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalkeena (No. 1 Global risers – (2007 to 2024)

Muqdisho, Soomaaliya — 17 May 2026 — Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sare-u-kaca ugu badan adduunka ka sameeyey dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta sida ku cad Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) laga soo bilaabo markii la daahfuray ilaa sannadka 2024, taasoo dalkeenu noqday dalkii sameeyey sare-u-kaca ugu weynaa ee dalkasta oo la qiimeeyay muddadaas.

Sida ku cad warbixinta ITU ee soo baxday bishan Maajo 2026, dhibcaha guud ee Soomaaliya ee Tirakoobka Xeer-nidaaminta isgaarsiinta & Teknolojiyadda ayaa ka bilaabatay 0.0 sannadkii 2007 ilaa 77.5% sannadkii 2024, taas oo ka dhigan koror dhan +77.5 dhibcood, iyadoo Soomaaliya gashay kaalinta koowaad ee 15-ka dal ee lagu xusay in horumarka ugu badan ka sameeyeen dhanka dib-u-habeynta nidaaminta isgaarsiinta. Isbeddelkan waxaa horseeday dib-u-habeynno la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) sannadkii 2018, iyada oo lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

- Advertisement -

Warbixinta Raad-raaca Nidaaminta ICT-da waa mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee ITU u adeegsato cabbirka heerka horumarka nidaamyada maamulka ICT-da ee 194 dal. Horumarkan ayaa Soomaaliya si rasmi ah ugu daray heerka nidaaminta ee Jiilka 3aad (G3) ee ITU, kaas oo lagu tilmaamo heerka “kobcinta maalgashiga iyo helitaanka adeegyada.”

Isagoo ka hadlayay warbixintan, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa yiri: “Aqoonsigani wuxuu ka tarjumayaa dadaalladii Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda. In laga soo gudbo dhibco eber ah lana gaaro dalalka ugu sareeya sare-u-kaca ugu badan sameeyey adduunka adduu ka oo dhan waa talaabo muhiim ah, balse mudnaanteennu weli waxay tahay xoojinta tartanka suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada, iyo adkaynta ilaalinta xuquuqda macaamiisha.”

Wuxuu intaas ku daray: “warbixintan waxay marqaati u tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, daneeyayaasha qeybaha Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda shirkadaha Isgaarsiinta, iyo saaxiibadda caalamiga ah ee sii wada taageerada isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.”

- Advertisement -

Tan iyo sanadkii 2019, HIQ waxay dejisay isla markaana hirgelisay xeer-nidaamyo sharciyeed oo dhammaystiran, kuwaas oo lagu diyaariyay hannaan wadatashi daahfuran. Kuwaas waxaa ka mid ah nidaamka mideysan ee ruqsad-bixinta, xeer-nidaaminta isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, nidaamyada maaraynta hirarka iyo qorshaha qaran ee hirarka isgaarsiinta, habraacyada tayada adeegyada iyo ilaalinta macaamiisha, iyo sidoo kale nidaamyada lambaraynta iyo istiraatiijiyooyinka horumarinta Teknoolojiyadda cusub si loo helo kaabayaal waara oo la isku halleyn karo.

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo dhammeystiran halkan ka akhriso:

 

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories