HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka
Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagebeysay wejiga koowaad ee barnaamijka tababarka shahaadooyinka amniga saaybarka ee shaqaalaha dowladda, kaas oo socday intii u dhaxeysay 29 Maarso ilaa 10 Maajo 2026, iyadoo ay ka qeyb galeen saraakiil ICT ah oo ka tirsan 21 hay’adood oo dowladda ah.
Barnaamijkan ayaa muhiimad weyn u leh dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo kaabayaasha dhijitaalka ah, iyadoo hanjabaadaha saaybarku ay noqdeen kuwa sii kordhaya adduunka oo dhan. Helista shahaadooyin caalami ah waxay u suurtagelinaysaa shaqaalaha dowladda inay ilaaliyaan macluumaadka qaranka iyo kaabayaasha muhiimka ah.
“Soo gabagabeynta wejigan koowaad waxay tallaabo muhiim ah u tahay dadaallada lagu dhisayo shaqaale xirfad sare leh oo awood u leh ilaalinta nidaamyada dhijitaalka ah ee dalkeenna,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh. “Hay’addu waxaa ka go’an inay sii xoojiso dadaalladan iyada oo hirgelin doonta wejiyo kale oo dheeraad ah, si loo hubiyo in awoodda shaqaalaha ay la jaanqaaddo himilooyinka dhijitaalka ah ee dalka.”
Maareeyaha Guud ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha dadaalka ay muujiyeen, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay aqoonta ay barteen u adeegsadaan xoojinta amniga saaybarka ee hay’adahooda.
Tababarka ayaa lagu bixiyay qaab isku dhafan – Muqdisho, fogaan-arag (online), iyo Nayroobi. Waxaa ka qeyb galay 15 mas’uul oo ka socday 15 hay’adood, kuwaas oo dhammeystay lix shahaado oo caalami ah oo ku saabsan amniga saaybarka. Munaasabadda gunaanadka ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dhammaan ka qeybgalayaasha.
Barnaamijka waxaa maalgeliyey Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeeyay Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI). HIQ waxay sheegtay in ay sii wadi doonto ballaarinta barnaamijyada noocan oo kale ah si looga jawaabo caqabadaha amniga saaybarka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah.

