Muqdisho, Soomaaliya – 02 May 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay qabsoomidda kulan muhiim ah oo loogu magac daray Golaha Mustaqbalka, kaas oo la qorsheeyay inuu dhaco 10-ka May 2026. Kulankan ayaa imanaya kadib wada-tashiyo ballaaran oo uu madaxweynuhu la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
War-Saxaafadeedka Madaxweynaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiinta, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsomi doona 10-ka May 2026.
Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay in qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar kale adkaynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.
Jawaabta UNTMIS
UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in si wadajir ah xal loogu helo arrimaha muhiimka ah ee qaranka.
Waxaan mar kale ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si hufan oo niyad sami leh uga qaybgataan wada-hadallada, iyadoo danta guud ee dhammaan Soomaalida la siinayo mudnaanta koowaad.
Iyadoo la shaqeynaysa la-hawlgalayaasha kale, UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu wajahay arrimaha taagan.
