HomeWararWasiirka Arrimaha Dibadda oo ku booqday safaaradda Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku booqday safaaradda Cumaan

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan Muscat, Cumaan – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoo kormeeray howlaha diblomaasiyadeed iyo adeegyada qunsuliyadeed. Booqashani waxay ka mid tahay safarka rasmiga ah ee uu wasiirku ku tagay […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Muscat, Cumaan – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoo kormeeray howlaha diblomaasiyadeed iyo adeegyada qunsuliyadeed.

Booqashani waxay ka mid tahay safarka rasmiga ah ee uu wasiirku ku tagay Saldanada Cumaan, iyadoo la socota ajandaha ballaaran ee Wasaaraddu uga jirto casriyeynta safaaradaha Soomaaliya ee dibadda, si ay si hufan ugu matalaan danaha qaranka kana bixiyaan adeegyo lagu kalsoonaan karo muwaadiniinta ku nool dalalka martida loo yahay.

- Advertisement -

Wasiirka waxa safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan, Mudane Bashiir Xasan Xaaji, iyo shaqaalaha safaaradda. Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirku waxa uu dib u eegis ku sameeyay heerarka adeegyada qunsuliyadeed iyo xaaladaha shaqada, isaga oo ku ammaanay shaqaalaha dadaalkooda.

“Waxaan ka faraxsanahay dadaalka iyo xirfadda ay muujinayaan shaqaaluhu, laakiin waxaan rabaa in la sii kordhiyo hufnaanta, bixinta adeegyada waqtigooda ku habboon, iyo casriyeynta jawiga shaqo si ay u noqoto safaarad tusaale u ah qaaradda,” ayuu yiri Wasiir Abdisalam Ali intii uu la hadlayay shaqaalaha.

Wasiirku waxa uu faray in la sameeyo horumarin gaar ah oo ku saabsan xaaladaha shaqada iyo heerarka adeegyada, gaar ahaan kuwa la xiriira baasaboorka, qalqalka, iyo caawinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Cumaan. Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyay in ay safaaraddu muhiimad gaar ah siiso baahiyaha qaxootiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dhinaca kale, wasiirku waxa uu cadeeyay in casriyeynta safaaraduhu ay qayb ka tahay istiraatiijiyadda guud ee Wasaaradda, taas oo looga golleeyahay in ay safaaradaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo firfircoon oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, si ay u kor u qaadaan sumcadda dalka iyo ilaalinta danahiisa.

Booqashadaan ayaa ah tan ugu horreysa ee uu Wasiir Abdisalam Ali ku tago safaaradda tan iyo markii loo magacaabay, waxaana loo arkaa tallaabo muhiim ah oo looga jihaysanayo dib-u-habeynta hay’adaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories