HomeWararMadaxweynaha Jubaland oo si toos ah ula wareegay hab-maamulka maaliyadda Jubaland –...

Madaxweynaha Jubaland oo si toos ah ula wareegay hab-maamulka maaliyadda Jubaland – Kormeer kadis ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tegay Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku booriyay hufnaan iyo isla xisaabtan.

- Advertisement -

Madaxweynaha oo u kuurgalay maaliyadda Jubaland

Kismayo, Jubaland – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, isagoo kuurgalayay habsami u socodka shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Kormeerku wuxuu yimid xilli ay Dowladda Jubaland ka waddo dib-u-habeyn lagu samaynayo maamulka maaliyadda iyo kor loogu qaadayo hufnaanta hay’adaha dawliga ah. Madaxweynuhu waxa uu mas’uuliyiinta wasaaradda kula kulmay qolka shirarka, isagoo si dhab ah u dhegaystay warbixintii lagu soo bandhigay howlaha socda iyo caqabadaha hor taagan.

- Advertisement -

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda in ay sii xoojiyaan hufnaanta iyo isla xisaabtanka, waana in aan ka wada shaqaynaa sidii loo gaari lahaa horumar waara oo u danaynaya ummadda Jubaland,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam intii uu shirka ka hadlayay.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay faahfaahinta howlaha socda, waxaana la sheegay in wasaaraddu ay horumar ka samaysay ururinta dakhliga gudaha iyo hagaajinta habka kharash-gareynta. Sidoo kale, waxaa la xusay in la dhisay qaab-dhismeedyo cusub oo lagu ilaalinayo hanti-dowladka.

Wuxuu madaxweynuhu ku boorriyay in la xoojiyo waajibaadka shaqo ee wasaaradda, isagoo tilmaamay in maamul wanaagga iyo daah-furnaantu ay yihiin saldhigga lagu dhisayo kalsoonida dadweynaha. Waxa kale oo uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadda si loo xoojiyo awoodda dhaqaale ee dowladda.

- Advertisement -

Kormeerkan ayaa qayb ka ah ololaha ballaaran ee ay Dowladda Jubandal kula howlanto sidii loo hagaajin lahaa maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha, iyadoo xilligan uu muhiim u yahay diyaarinta miisaaniyadda sanadka cusub.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories