Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo UN Women uga dalbaday taageero laba jibaaran
Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda UN Women, isagoo kula hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada haweenka.
Kulanka ayaa yimid iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddooyinkii u dambeeyay hormarinaysay siyaasadda xuquuqda haweenka, iyadoo dunidu ay xuseyso muhiimadda ay haweenku u leeyihiin nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku waxa uu UN Women uga mahadceliyey dadaalladii hore, balse wuxuu ku booriyay in la sii dardar-geliyo taageerada.
“Waxaan ka codsanayaa UN Women in ay sii laba jibaarto taageerada ay siinayso haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka hoggaaminta, ka qaybgalka siyaasadda, iyo kobcinta xuquuqahooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac intii uu kulanka ka hadlayay.
Wuxuu xusay in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka ciyaari karaan dhismaha dowladnimo iyo sugidda nabadda, isla markaana ay dowladdu ka go’an tahay in la siiyo fursado siman. Sidoo kale, waxa uu sheegay in horumar la taaban karo laga sameeyay arrimaha haweenka, balse ay caqabado badan weli ka horyihiin.
Dhankeeda, Marwo Anna Mutavati, oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee UN Women, ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta haweenka. Waxay sheegtay in hay’addeedu ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso wada-shaqeynta iyo kaalinta ay ka geysanayso dalka.
Waxaa kulanka goob joog ka ahayd Isku-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Marwo Aminakeyf Ahmed, iyo saraakiil ka tirsan UN Women.

