HomeWararHoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay musharax Jawaari

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay musharax Jawaari

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay musharax Jawaari Baydhabo, Abriil 28, 2026 – Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Baydhabo ku qaabilay musharax madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi siyaasadeed, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda, geeddi-socodka […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay musharax Jawaari

Baydhabo, Abriil 28, 2026 – Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Baydhabo ku qaabilay musharax madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi siyaasadeed, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda, geeddi-socodka doorashooyinka iyo sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Hoggaamiye Jibriil ayaa soo dhoweeyay musharaxa, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi hufan oo cadaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.

Dhankiisa, musharax Jawaari ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta, wuxuuna sheegay inuu ka go’an yahay ka shaqeynta horumarinta dowladnimada, nabadda iyo dib-u-dhiska Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo wadatashiyada siyaasadeed iyo diyaar garowga doorashooyinka ka socda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

- Advertisement -

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories