Dr Maryan Qasim oo kulan muhiim ah la yeelatay hay’adda CIVIC si loo xoojiyo ilaalinta rayidka
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, Dr Maryan Qasim ayaa kulan heer sare ah la yeelatay wafdi ka socda hay’adda Centre for Civilians in Conflict (CIVIC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika Vianney Bisimwa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ilaalinta dadka rayidka ah, kor u qaadista kormeerka xuquuqda aadanaha, iyo adkeynta isla xisaabtanka la xiriira hawlgallada amni ee ka socda Soomaaliya.
Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya dhawaan ansixisay Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka xilliyada hawlgallada ciidan iyo colaadaha, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo badbaadada shacabka, isla markaana lagu dhisayo hannaan nidaamsan oo looga hortago waxyeellada rayidka.
Dr Maryan Qasim ayaa kulanka ka sheegtay in guddigu uu si buuxda uga go’an yahay ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah, iyo in la hubiyo in dhammaan hawlgallada amniga lagu fuliyo qaab waafaqsan xuquuqda aadanaha.
Waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay kormeer joogto ah, qaabilaadda cabashooyinka, iyo dhiirrigelinta isla xisaabtanka, si loo xaqiijiyo in siyaasadaha la dejiyay ay si dhab ah u gaaraan shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dadaallada sii xoogeysanaya ee lagu xoojinayo ilaalinta rayidka iyo horumarinta nidaamka xuquuqda aadanaha ee dalka.

