HomeWararMuqdisho: R/W Xamsa oo dhagax-dhigay Xarunta Manaahijta iyo digniin loo diray dadka...

Muqdisho: R/W Xamsa oo dhagax-dhigay Xarunta Manaahijta iyo digniin loo diray dadka deggan dhulka dowladda

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay xarun weyn oo loogu talagalay horumarinta waxbarashada dalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Manaahijta iyo Baaq ku aaddan Dhulka Dowladda

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Horumarinta Manaahijta Qaranka. Xaruntan ayaa looga gol-leeyahay in lagu tayeyno nidaamka waxbarashada dalka iyo soo saarista manhaj casri ah oo la jaan-qaadi kara horumarka caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda dhagax-dhigga ka sheegay in horumarinta aqoontu ay tahay laf-dhabarta mustaqbalka dalka, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la maalgashado jiilasha soo koraya. “Manhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada; xaruntani waxay noqon doontaa hoyga laga hagayo garaadka iyo aqoonta ubadkeenna,” ayuu yiri Mudane Xamsa.

- Advertisement -

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa farriin culus u diray dadka ku deggan dhismayaasha iyo dhulka ay leedahay dowladda. Waxa uu caddeeyay in dowladdu ay hadda gashay wejigii dib-u-dhiska hay’adaha qaranka, loona baahan yahay in si degdeg ah loo banneeyo xarumaha danta guud si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Dhismaha Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu maalgelinayo dhaqaalaha dowladda ayaa qayb ka ah qorshayaasha ballaaran ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo soo saaro muwaadiniin aqoon leh oo qayb ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

 

Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories