HomeWararRW Xamse oo La Kulmay Madaxda Mucaaradka ee laga Celiyay Xalane

RW Xamse oo La Kulmay Madaxda Mucaaradka ee laga Celiyay Xalane

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay booqashooyin gaar gaar ah ugu tagay guryahooda madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kulamada ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gogosha wada-hadalka ee u dhaxeysa dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, iyo sidii xal looga gaari lahaa xaaladaha taagan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in gogosha dowladda ay mar walba fidsan tahay, albaabkuna u furan yahay dhammaan madaxda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadal iyo xal-u-helid ku dhisan is afgarad.

Kulankii uu la yeeshay Sheekh Shariif ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.

Kulamadan ayaa yimid kaddib markii Golaha Mustaqbalka ay sheegeen in xarunta Xalane, gaar ahaan hotelka Airport, laga celiyay Sheekh Shariif iyo Maxamed Xuseen Rooble, xilli ay ka qeybgeli lahaayeen kulan ay yeelan lahaayeen madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Dhankeeda, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in qaar kamid ah madaxdii hore ay ku xadgudbeen habraacyada sugidda amniga Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories