HomeWararWafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya...

Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doonta mas’uuliyiin

- Advertisement -

Wafuud hordhac u ah madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo gogol-xaar u ah booqashada la filayo inay caasimadda ku yimaadaan madaxweyneyaasha labadaas maamul.

Wafuuddan ayaa lagu wadaa inay diyaariyaan safarka iyo kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah.

- Advertisement -

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doonta mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.

Dhanka kale, Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan lagu tilmaamay mid xasaasi ah marka loo eego xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sidoo kale Muqdisho soo gaaraya xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku maqnaa dibadda, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona shirka.

- Advertisement -

Dood adag ayaa la filayaa inay dhex marto Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, Deni iyo Axmed Madoobe, iyo sidoo kale siyaasiyiinta ku mideysan Madasha Mucaaradka.

Imaanshaha wafuuddan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro is-faham darro iyo kala aragti duwanaansho u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taas oo sababtay in si weyn isha loogu hayo natiijada kulamada la filayo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Latest stories