HomeWararAbiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Gerad Wilwaal, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay, iyagoo ay wehliyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida.

- Advertisement -

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa magaalada Jigjiga u yimid ka qaybgalka xafladda xarig-jarka mashruuca dalxiiska ee loo bixiyay “Shabeelleey”, kaas oo ay hirgelisay Dowladda Deegaanka Soomaalida, islamarkaana loogu talagalay horumarinta dalxiiska iyo bilicda magaalada.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta dhaqaalaha deegaanka, kor u qaadista dalxiiska, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.

Imaanshaha madaxdan sare iyo ka qaybgalka munaasabaddan ayaa muujinaya iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo xiriirka siyaasadeed.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale la filayaa in inta ay ku sugan yihiin magaalada Jigjiga ay madaxdu yeeshaan kulamo gaar ah oo ay kaga wada hadli doonaan arrimo la xiriira iskaashiga gobolka, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Latest stories