HomeCaalamkaBarack Obama oo si adag uga hadlay dil ay geysteen ciidamada ICE

Barack Obama oo si adag uga hadlay dil ay geysteen ciidamada ICE

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Barack Obama oo si adag uga hadlay dil ay geysteen ciidamada ICE

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama ayaa si adag uga falceliyay dilka Alex Pretti, oo ay Sabtidii magaalada Minneapolis ku toogteen ciidamo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE).

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, Obama iyo Michelle ayaa dilkaasi ku tilmaamay “musiibo qalbi jab leh”, iyagoo sheegay in dhacdadani ay tahay digniin culus oo ku wajahan dhammaan dadka Mareykanka, iyadoon loo eegin aragti siyaasadeed.

- Advertisement -

Waxay sheegeen in toddobaadyadii la soo dhaafay ay si isa soo taraysa u bateen muuqaallo muujinaya askar ka tirsan ICE oo wajiyada duubtay, kuwaas oo si arxan darro ah ula dhaqmaya shacabka, isla markaana adeegsanaya habab lagu cabsi gelinayo dadka, taasoo khatar ku ah badbaadada muwaadiniinta ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka.

Obama iyo Michelle ayaa ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Donald Trump in uu xaaladda sii hurinayo, iyagoo xusay in toogashooyinkii dhacay aan lagu sameyn wax baaritaan dhab ah, arrintaas oo si cad uga hor imaaneysa caddeymaha muuqaalka ah ee ku faafay baraha bulshada.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ficilladan ay weerar ku yihiin qiyamka aasaasiga ah ee Mareykanka, ayna muujinayaan hoos u dhac ku yimid isla xisaabtanka hay’adaha fulinta sharciga.

- Advertisement -

“Tani waa inay joogsataa,” ayay ku soo gabagabeeyeen bayaankooda, iyagoo ku baaqay in la helo caddaalad, isla xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilka Alex Pretti, taasoo dhalisay caro ballaaran iyo baaqyo lagu dalbanayo in si madax-bannaan loo baaro falkaasi.

Latest stories