HomeWararWafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Pakistan

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Pakistan

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Inta ay joogaan dalka Pakistan, wafdigu waxa ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Pakistan, iyagoo ka wadahadli doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka, dimuqraadiyadda, iyo iskaashiga la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

- Advertisement -

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Islamabad, waxaana halkaasi ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif.

Latest stories