HomeWararTACSI IYO TAARIIKH-REEB: GEERIDA AMB. CABDINUUR YUUSUF DABAQE

TACSI IYO TAARIIKH-REEB: GEERIDA AMB. CABDINUUR YUUSUF DABAQE

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

TACSI IYO TAARIIKH-REEB: GEERIDA AMB. CABDINUUR YUUSUF DABAQE

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay maalin murugo iyo tiiraanyo reebtay, magaalada Ottawa ee dalka Canada ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Adeer Ambassador Cabdinuur Yuusuf Dabaqe, oo ka mid ahaa haldooradii ugu miisaanka cuslaa diblomaasiyadda, aqoonta iyo adeegga qaranka Soomaaliyeed.
Marxuumku wuxuu ahaa shaqsi taariikh fac weyn ku leh dhismaha dowladnimada iyo sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya, isaga oo dalkiisa ugu adeegay jagooyin kala duwan oo xusuus iyo raad waara ka tegay:
Halgamaa Diblomaasiyeed: Wuxuu ahaa safiirkii ugu horreeyey ee furay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada sannadkii 1979-kii, tallaabadaas oo astaan u noqotay xiriir diblomaasiyadeed oo cusub iyo waji sharaf leh oo Soomaaliya ku yeelato caalamka.
Hormuud Waxbarasho: Intii u dhaxeysay 1963–1969, wuxuu ahaa Agaasimihii ugu horreeyey ee Qorshaynta Waxbarashada Soomaaliya, isaga oo door muuqda ka qaatay dejinta istaraatiijiyaddii waxbarasho ee qaranka.
Wakiil Caalami ah: Sanadihii 70-meeyadii, wuxuu hoggaaminayey mashaariicda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira cilmi-baarista iyo macdanta, taasoo muujinaysa kalsoonidii caalamku ku qabay aqoontiisa iyo hoggaamintiisa.
Sidoo kale, Marxuumku wuxuu Safiir ka soo noqday Qaramada Midoobay, Jamhuuriyadda Senegal, iyo dalal badan oo Galbeedka Afrika ah, oo ay ka mid yihiin Gabon, Togo, Mauritania iyo Ghana.
Lataliye Horumarineed: Wuxuu ahaa lataliye khibrad dheer u leh mashaariicda beeraha, isaga oo si dhow ula shaqeeyey Wasiirkii hore ee Beeraha Canada, Eugene Whelan, taasoo mar kale caddeyneysa doorkiisii caalamiyeed iyo aqoontii uu u lahaa horumarinta nolol-maalmeedka bulshada.
Geerida Ambassador Cabdinuur Yuusuf Dabaqe waa khasaare weyn oo ku yimid qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilasha aqoonta, diblomaasiyadda iyo adeegga dawladeed.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Ilaahay ha u naxariisto, Jannatul Firdowsa ha ku abaalmariyo, samir iyo iimaan na ha ka siiyo dhammaan ehelkiisii iyo asxaabtiisii. Aamiin

Latest stories