HomeWararFiqi oo Laascaanood ka shaaciyay qorshe ku Saabsan Maamul loo dhisayo Awdal

Fiqi oo Laascaanood ka shaaciyay qorshe ku Saabsan Maamul loo dhisayo Awdal

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa waddo qorshe cusub oo la xiriira dhismaha maamul gaar ah oo loo sameeyo gobollada ay deggan yihiin dadka reer Awdal, sida uu shaaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Fiqi oo ku sugan Magaalada Laascaanood.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid cadaadis siyaasadeed lagu saarayo maamulka Somaliland.

- Advertisement -

 

 

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay taageerto rabitaanka bulshada deegaannadaas, islamarkaana ay ka jawaabto cabashooyinka ay ka muujiyeen sida uu sheegay “xaaladda siyaasadeed iyo matalaadda ay ka helaan Somaliland”.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshahan uusan ahayn mid colaad hurinaya, balse uu yahay “xal siyaasadeed oo lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya iyo xaqa ay bulshooyinka deegaannadu u leeyihiin is-maamul iyo ka-tashiga mustaqbalkooda”.

Dhankiisa, Somaliland weli si rasmi ah ugama hadlin hadalka Wasiirka Gaashaandhigga, balse tallaabadan ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Hargeysa iyo Muqdisho.

Latest stories