HomeWararMaxay ka wadahadleen Sheekh Shariif, Saacid Shirdoon iyo Fahad Yaasiin?

Maxay ka wadahadleen Sheekh Shariif, Saacid Shirdoon iyo Fahad Yaasiin?

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kuwaas oo ka tirsan Xisbiga Midowga Haybad Qaran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xogwareysi ku saabsan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, midnimada qaranka, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo marxalad xasaasi ah oo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed iyo is-mariwaa la xiriira hannaanka doorashooyinka.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta ayaa si qoto dheer uga wada hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo wadatashiga qaran, lana helo aragti mideysan oo looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee jira. Waxay isla qireen in talo-wadaag joogto ah iyo isu-tanaasul siyaasadeed ay yihiin furaha xal u helidda khilaafaadka dalka ka taagan.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah loogu adkeeyay muhiimadda ku laabashada ku shaqeynta Dastuurka KMG ah, iyada oo la tixraacayo go’aamadii hore ee madasha Golaha Mustaqbalka, si loo helo xal siyaasadeed oo waara.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa isla meel dhigay in marxaladda uu dalka marayo ay u baahan tahay bisayl siyaasadeed, isla markaana danaha qaranka laga hormariyo kuwa shaqsiyeed ama kooxeed, si loo dardar-geliyo dowlad-dhiska iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Latest stories