HomeWararHowlgal ka dhacay Hiiraan oo Khasaare Xooggan Lagu Gaarsiiyay Al-shabaab

Howlgal ka dhacay Hiiraan oo Khasaare Xooggan Lagu Gaarsiiyay Al-shabaab

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Howlgalkan ayaa yimid kaddib

- Advertisement -

Ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda Gobolka Hiiraan ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyaadka Al-shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee gobolkaas.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada ay heleen xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay Khawaarijtu ka wadeen deegaannada la beegsaday. Intii uu socday howlgalka, waxaa Al-shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, waxaana sidoo kale laga hortagay qorshayaal ay maleeshiyaadku ku dhibaateynayeen shacabka ku nool halkaas.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan, iyagoo xusay in muhiimadda koowaad ay siinayaan xaqiijinta amniga guud ee deegaannada la xoreeyay.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garabsanaya xaq-u-dirirka shacabka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Hiiraan.

Latest stories