HomeWararUrurka Iskaashiga Islaamka Oo Maanta Shir Degdeg Ah Ka Yeelanaya Aqoonsiga Israa’iil...

Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Maanta Shir Degdeg Ah Ka Yeelanaya Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

OIC ayaa sheegtay in shirka degdegga ahi uu daba socdo booqasho wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Ku tagay somaliland

- Advertisement -

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta oo Sabti ah qabanaya kulan degdeg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda, kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha halista ku ah midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan degdegga ah ayaa si gaar ah uga hadli doona aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland, tallaabadaas oo Ururka Iskaashiga Islaamka ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawacaysa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

- Advertisement -

Dalalka xubnaha ka ah OIC ayaa la filayaa inay si mideysan u cambaareeyaan tallaabada Israa’iil, isla markaana ay muujiyaan taageero buuxda oo ay u hayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in shirka ujeedkiisu yahay qaadashada mowqif mideysan oo Islaami ah, laguna adkeeyo baaqa ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

OIC ayaa sidoo kale sheegtay in shirka degdegga ahi uu daba socdo booqasho uu wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ku tegay Somaliland, booqashadaas oo dhacday wax ka yar laba toddobaad kaddib markii Israa’iil si rasmi ah u shaacisay aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo dhalisay cambaarayn ballaaran oo caalami ah.

- Advertisement -

Dhanka kale, Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa 6-da Janaayo ku baaqay in si degdeg ah looga noqdo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana mar kale adkeeyay taageerada Midowga Afrika u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa horay u qirtay inay jireen xiriirro aan rasmi ahayn iyo dano amni oo ay ku leeyihiin gobolka Geeska Afrika, balse dowladihii kala dambeeyay ay ka fogaadeen aqoonsi rasmi ah, iyagoo tixgelinayay sharciga caalamiga ah, mowqifyada Midowga Afrika, iyo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyo saaxiibadeeda gobolka.

Ugu dambeyn, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa carrabka ku adkeeyay in shirka Sabtida uu yahay mid lagu mideynayo mowqifka dalalka Islaamka, laguna xaqiijinayo taageerada wadajirka ah ee xuduudaha Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, iyadoo lagu baaqayo in la joojiyo faragelin kasta oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Latest stories