HomeWararJaamacadda Carabta oo Si Adag u Cambaareysay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil...

Jaamacadda Carabta oo Si Adag u Cambaareysay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Jaamacadda Carabta ayaa booqashadaas ku tilmaantay isku day fashilmay

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa si kulul u cambaareeyay booqashada uu maanta, 6-da Janaayo 2026, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa booqashadaas ku tilmaantay isku day fashilmay oo lagu doonayo in lagu meelmariyo tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga gooni-isu-taagga waqooyi-galbeed Soomaaliya, taas oo ka baxsan sharciyadda dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Abul-Qeyd ayaa mar kale adkeeyay mowqifka cad ee Jaamacadda Carabta ee ah diidmo buuxda oo ku wajahan wax xiriir rasmi ah ama mid u eg oo lala yeesho maamul kasta oo gooni-goosad ah, kana baxsan xayndaabka madax-bannaanida Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu xusay in tallaabooyinkan ay si cad u jebinayaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, iyagoo sii hurinaya xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Jamaal Rashiidi, ayaa sheegay in tallaabadan oo si caalami ah iyo Carab ahaanba loo diiday lana cambaareeyay, ay Golaha Jaamacadda Carabta kulankii 28-kii Diseembar 2025 ku tilmaameen mid baadil ah, waxba kama jiraan, isla markaana aan la aqbali karin.

Wuxuu intaas ku daray in Jaamacadda Carabta ay muujisay walaac la xiriira isku dayo lagu fududeynayo qorshayaal lagu barakicinayo shacabka Falastiin, iyo sidoo kale in dekedaha Soomaaliya loo adeegsado dhisidda saldhigyo ciidan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Jaamacadda Carabta ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo ee ay siiso hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed, si looga hortago isku day kasta oo lagu abuuro khilaafyo cusub oo wiiqa midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, ama lagu waxyeelleeyo marin-biyoodka Carbeed ee istaraatiijiga ah.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts