HomeWararBooliska Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixiyay Rabshadihii Ka Dhacay Degmada Dayniile

Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixiyay Rabshadihii Ka Dhacay Degmada Dayniile

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah ka soo saaray shaqaaqo shalay ka dhacday xaafad ka tirsan Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, taas oo la xiriirtay banaanbax ay dhigeen kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan.

Booliska ayaa sheegay in banaanbaxaasi uu isu beddelay fowdo iyo rabshado, kadib markii la weeraray dukaan uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, halkaas oo lagu boobay hanti ganacsi, isla markaana ay goobta isugu soo baxeen haween iyo carruur.

- Advertisement -

Ciidamada Booliska oo sameeyay gurmad degdeg ah ayaa gaaray goobta rabshaduhu ka dhaceen, hase yeeshee intii ay ku guda jireen sugidda amniga iyo badbaadinta hantida shacabka, ayay la kulmeen dhagax-tuur iyo falal rabshado wata oo ay sameeyeen dad abaabulan.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in rabshadahaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof oo rayid ah, kuwaas oo loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo, iyadoo la caddeeyay in aanay jirin wax khasaare naf ah.

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga guud, xasilloonida bulshada iyo badbaadinta hantida shacabka, iyagoo ka digay fal kasta oo carqaladeynaya amniga magaalada.

- Advertisement -

Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixiyay Rabshadihii Ka Dhacay Degmada Dayniile

Latest stories