HomeWararDFS oo shaacisay in la beegsaday xaruntii ugu weynayd Al-Shabaab ee Gobolka...

DFS oo shaacisay in la beegsaday xaruntii ugu weynayd Al-Shabaab ee Gobolka Baay

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay fuliyeen

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay fuliyeen hawlgal militari oo qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday mid ka mid ah xarumihii ugu waaweynaa ee maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Buula Fuuleey ee Gobolka Baay.

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in hawlgalka ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Danab, iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, isla markaana uu ahaa mid si heer sare ah loo diyaariyey, laguna bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

- Advertisement -

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyey in in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad lagu dilay weerarka.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu burburiyey idaacad ay Al-Shabaab u adeegsan jireen faafinta dacaayadaha iyo wararkooda, taas oo ku taallay isla deegaanka Buula Fuuleey.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin magacyada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay hawlgalka, mana jirto wax sawirro ah oo laga sii daayay horjoogayaasha ama maleeshiyaadka la khaarijiyey.

- Advertisement -

Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli laba maalmood ka hor weerar kale oo la mid ah laga fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyey Al-Shabaab.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, iyadoo sii xoojinaysa hawlgallada amni ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts