HomeWararSoomaaliya oo shaacisay mowqif rasmi ah oo ku aaddan xaaladda Yemen

Soomaaliya oo shaacisay mowqif rasmi ah oo ku aaddan xaaladda Yemen

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda ka taagan Jamhuuriyadda Yemen, iyadoo mar kale adkaysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo sharciyadda dastuuriga ah ee Yemen.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay si adag uga soo horjeeddo faragelin kasta oo wiiqaysa midnimada dhuleed iyo hay’adaha qaran ee Yemen, isla markaana ay aaminsan tahay in xal waara uu ku iman karo oo keliya hannaan siyaasadeed oo nabadeed, kana dhashay rabitaanka shacabka Yemen.

- Advertisement -

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu bogaadiyay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan dadaallada diblumaasiyadeed, bini’aadantinimo iyo amni ee ay hormuudka ka tahay, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro qalalaasaha Yemen laguna yareeyo masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta dalkaas.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday in amniga Yemen uu si toos ah ula xiriirsan yahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in ay sii xoojiso dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni guud oo gobolka ah.

Latest stories