HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada dalka

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kulan diiradda lagu saaray ilaalinta gobannimada, midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku sameeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, tallaabadaas oo si toos ah u taabanaysa qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka, iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed, ay dadaal xooggan ku bixinayso difaaca qarannimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay u marayso dhammaan habraacyada iyo xeerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si mideysan oo mas’uuliyad leh looga hortago damacyo gurracan oo halis ku ah jiritaanka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-Bari, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulanka ayaa si cad u muujiyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka aan la mahdin iyo khataraha amni ee tallaabadaasi u horseedi karto gobolka, iyagoo mar kale xaqiijiyay garab-istaaggooda buuxa ee dadaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka wado gudaha iyo dibadda dalka.

Latest stories