HomeWararDibadbax ballaaran oo ka dhan ah xadgudubka Isra'11L oo xalay ka...

Dibadbax ballaaran oo ka dhan ah xadgudubka Isra’11L oo xalay ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dibadbax looga soo horjeeday xadgudubka

- Advertisement -
- Advertisement -

Dibadbax looga soo horjeeday xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir.

Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho ayaa isugu soo baxay bannaanbaxa, iyaga oo si cad u muujiyay caro iyo diidmo ku aaddan tallaabada Israa’iil, isla markaana adkeeyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha dibadbaxa oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay difaacaan qaranimada dalka, iyagoo muujiyay dareen wadaniyadeed iyo midnimo shacab.

“Caawa annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo diidmadeenna xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibadbaxa.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa isna sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay muujiyaan mowqifkooda qaran, isagoo yiri: “Dhallinyarada Soomaaliyeed caawa diyaar bay u yihiin inay muujiyaan shucuurtooda.”

- Advertisement -

Sidoo kale, Burhaan Axmed Rooble ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay si mideysan u muujiyeen dareenkooda ka dhanka ah mowqifka Israa’iil.

Dibadbaxan ayaa kusoo aadaya kaddib markii 26-ka bishan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu shaaciyay in dowladdiisu aqoonsanayso maamulka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), tallaabadaas oo ay si adag uga hor yimaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kuna tilmaameen ficil si toos ah uga dhan ah qaranimada, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts