HomeWararMW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee BFS

MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee BFS

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo dalka wajahayo.

Farriin rasmi ah oo loo diray mudanayaasha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulankan uu yahay “kulan aan caadi ahayn”, taas oo muujinaysa muhiimadda iyo degdegga ajandayaasha laga hadlayo.

- Advertisement -

Kulanka ayaa Madaxweynaha si faahfaahsan uga hadli doonaa xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saari doona go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid si toos ah u halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Ujeeddada kulankan ayaa ah in Xildhibaannada lagu wargeliyo dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, isla markaana lagu helo mowqif qaran oo mideysan oo ay si wadajir ah u qaataan Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan degdegga ah ayaa imanaya xilli uu Madaxweynaha hoggaaminayo olole diblomaasiyadeed oo ballaaran oo caalami ah, kaas oo lagu doonayo in lagu fashiliyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, laguna xoojiyo taageerada caalamiga ah ee lagu difaacayo qaranimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories