HomeWararMW Xasan Sheekh oo la filayo inuu madaxda dowlad-goboleedyada kala hadlo aqoonsiga...

MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu madaxda dowlad-goboleedyada kala hadlo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay shir wadatashi qaran oo ballaaran, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in shirka uu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, xoojinta is-afgaradka qaran iyo jihada mustaqbalka ee dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalku wajahayo xaalad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

- Advertisement -

Waxaa la filayaa in maanta ay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu shalay soo gaaray caasimadda kaddib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dhanka kale, weli ma cadda in shirka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, inkastoo wararka la helayo ay sheegayaan in Madaxweynaha uu gogol wadatashi oo ballaaran u fidiyay dhammaan hoggaamiyeyaasha dalka, si looga arrinsado masiirka guud ee Soomaaliya iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu wajahayo xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, arrintaas oo dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts