HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad adag u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad adag u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad u jeediyay

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad u jeediyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo si adag u cambaareeyay tallaabo uu ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuna xadgudbaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hurayaan difaaca qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, isaga oo adkeeyay in xilligan loo baahan yahay midnimo qaran oo lagu wajaho halista ku soo wajahan jiritaanka Soomaalinimada, xasilloonida dalka iyo nabadda gobolka.

- Advertisement -

“Tallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeennu ma isbeddelayo, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay garab istaagga ay Soomaaliya ka heshay heer gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalami, isagoo xusay in taageeradaasi ay muujinayso sida ay beesha caalamku uga go’an tahay ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mar kale adkeeyay mowqifka taariikhiga ah ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin Shacabka Falastiin ee wajahaya xadgudubyo joogto ah.

“Soomaaliya marnaba ma oggolaan doonto in dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno. Waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Sidoo kale, waxaan si mabda’ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee Shacabka Falastiin,” ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo hay’adaha caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Latest stories