HomeWararFahad Yaasiin oo dhaliil culus u jeediyay aamusnaanta Deni iyo Axmed Madoobe

Fahad Yaasiin oo dhaliil culus u jeediyay aamusnaanta Deni iyo Axmed Madoobe

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si adag u dhaliilay aamusnaanta Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha si toos ah u taabanaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isaga oo sheegay in aamusnaantooda muddada socota aysan lahayn wax cudurdaar ah.

- Advertisement -

Wuxuu xusay in Madaxweyne Deni uu hoggaamiyo deegaan leh miisaan siyaasadeed iyo mid taariikhi ah oo ku aaddan difaaca midnimada dalka, taas oo ka dhigaysa in laga sugo mowqif cad, mas’uuliyad leh oo waafaqsan kaalinta uu hayo.

“Haddii Saciid Deni uu sii wato aamusnaanta, waxaa abuurmaya shaki muujinaya inuu raalli ka yahay waxa socda ama uu qayb ka yahay shirqool wax loo maleegayo,” ayuu yiri Fahad Yaasiin, isaga oo intaas ku daray in xaaladdu tilmaami karto duruufo gaar ah oo uu madaxweynuhu kaligiis ogyahay.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa carrabka ku adkeeyay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Saciid Deni ay waajib ku tahay inay si buuxda u fahmaan xilalka ay hayaan, isla markaana ay matalaan dareenka, wadaniyadda iyo mowqifka shacabka ku nool deegaanada ay ka taliyaan, halkii ay ka hormarin lahaayeen dano gaar ah ama aragtiyo shakhsiyeed.

- Advertisement -

Hadalkan ka soo yeeray Agaasimihii hore ee NISA ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee la xiriira midnimada dalka iyo mas’uuliyadda hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, iyadoo indhaha lagu hayo jawaabta ay ka bixin doonaan Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe eedeymahan culus.

Latest stories