HomeWararDowladda Suuriya oo si adag u cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland

Dowladda Suuriya oo si adag u cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Suuriya ayaa si kulul u cambaareysay

- Advertisement -

Dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ayaa si kulul u cambaareysay una gacan sayrtay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyadoo mar kale adkaysay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Suuriya soo saartay 27-ka Diseembar 2025 ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayso madax-bannaanida iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Bayaanka ayaa lagu xusay in tallaabooyinka noocan ah aysan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana aysan dhalin karin wax saameyn sharci ah, maadaama ay ku dhisan yihiin ku tumasho mabaa’diida aasaasiga ah ee xiriirka dowladaha iyo ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Sidoo kale, Suuriya waxay ka digtay isku day kasta oo lagu taageerayo ama lagu dhisayo maamullo gooni-goosad ah ama mashruucyo kala qaybin ah, kuwaas oo ay ku tilmaantay khatar weyn oo ku wajahan amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana leh cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo waxyeello u geysan kara Geeska Afrika.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda aan isbeddelin ee ah taageerada buuxda ee midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda, iyadoo si cad u diidday tallaabo kasta oo lagu wiiqayo ama lagu kala jarayo dhuleednimada dowladaha madaxbannaan.

Latest stories