HomeWararBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay qaraar looga hortagayo xadgudubka Israa’iil

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay qaraar looga hortagayo xadgudubka Israa’iil

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, iyagoo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qaraar adag oo lagu diiday laguna cambaareeyay xadgudubka Israa’iil ee ka dhanka ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa yimid kaddib khudbad uu Baarlamaanka u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo si qoto dheer loogu falanqeeyay saameynta siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo amni ee ka dhalan karta tallaabada ay Israa’iil qaaday.

- Advertisement -

Xildhibaannada Labada Gole ayaa si mideysan u muujiyay mowqif qaran oo cad, iyagoo adkeeyay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan marnaba aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu wiiqayo qaranimada iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Gunaanadkii kulanka, Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in qaraarkan uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu xoojinayo mowqifka qaran ee Soomaaliya ka qaadanayso arrin kasta oo halis gelinaysa midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Qaraarkan ayaa la filayaa inuu saldhig u noqdo tallaabooyin siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo dheeraad ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaddo maalmaha soo socda.

- Advertisement -

Hoos ka akhriso qaraarka kasoo baxay xildhibaannada labada Gole

Muqdisho – Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, iyagoo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qaraar adag oo lagu diiday laguna cambaareeyay xadgudubka Israa’iil ee ka dhanka ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories