HomeWararSacuudiga oo si cad u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Somaliland

Sacuudiga oo si cad u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa si buuxda u muujisay taageeradeeda ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku tilmaantay go’aanka Israa’iil mid sharci-darro ah, isla markaana ka hor imaanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyada oo xustay in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sidoo kale caddeysay in ay si buuxda uga soo horjeeddo isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso dowlad kale oo ka dhex dhalata Soomaaliya, taas oo ay sheegtay inay si toos ah u khilaafsan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada uu u hayo hay’adaha sharciga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay garab istaagga uu u muujinayo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, nabadda iyo horumarka dalka.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa muujinaya go’aanka adag ee Boqortooyadu ka taagan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyo diidmada tallaabo kasta oo dhaawici karta xasilloonida gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Latest stories