HomeWararMidowga Afrika oo bogaadiyay doorashooyinkii degmooyinka ee Muqdisho ka dhacay

Midowga Afrika oo bogaadiyay doorashooyinkii degmooyinka ee Muqdisho ka dhacay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee 25-kii Diseembar 2025 ka qabsoomay magaalada Muqdisho, isaga oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed sida ay doorashooyinku ugu dhaceen si deggen, nabad ah oo nidaamsan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qabsoomidda doorashooyinkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo bilow u ah dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta nidaam dimuqraadi ah oo sal adag leh, kaas oo si tartiib tartiib ah uga hana-qaadaya guud ahaan dalka.

- Advertisement -

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka heer degmo ay door weyn ka ciyaaraan xoojinta ka-qaybgalka dadweynaha ee maamulka iyo go’aan-qaadashada, isla markaana ay siinayaan shacabka iyo hay’adaha dowladeed waayo-aragnimo muhiim ah oo ku saabsan geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorasho ee ay Soomaaliya iyadu hoggaaminayso.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada iyo garab istaagga uu u hayo shacabka Soomaaliyeed, dadaalladooda ku aaddan dhismaha maamul loo dhan yahay, iyo hirgelinta nabad iyo xasillooni waarta.

Latest stories